Dhageyso Xilliga Ay Dhaceyso Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub Oo La Shaaciyey

Waxaa la shaaciyey xiliga rasmiga ah ee la qabanayo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa ku sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray in 22-ka Bishan Feb. la qabanayo Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xukuumada ayaa sidoo kale Magacawday Gudi ka shaqeeya qaban-qaabada Caleema Saarka Madaxweynaha kuwaasoo ka kooban 6 Xubnood.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE