Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Oo La Joojiyey Maalinta Arabacada 22-ka Febraayo (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiiru dowlaha wasaarada Duulista Hawada ahna Kusimaha Wasiirka Wasaarada Duulisa Hawada ayaa lagu sheegay in maalinta 22-ka bisha February la joojiyey dhamaan duulimaadyadii imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xafladda Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxay qabsoomeysaa maalinta Arabacada  ee 22-Febraayo-2017ka, tani waana arinta loo hakiyay diyaaradaha adeegsado garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE