Qof Shacab Ah Oo Maanta Lagu Dilay Degmada Qoryooley Ee Gobolka Sh/hoose

Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in ciidamada AMISOM saakey halkaasi ay toogasho ugu geysteen nin ka tirsanaa dadka deegaanka.

Marxuumka la dilay oo magaciisa nalagu sheegay Cismaan Cali Beyd ayaa waxaa la toogtay isagoo maraayo meel u dhow saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin afafka hore ee degmada Qoryooley.

Cismaan Cali Beyd ayaa ka soo jeedo tuulada Malaayley ee ka mid ah deegaanada hoosyimaado degada Qoryooley, waxaana la toogtay isagoo degmada Qoryooley u soo doontay inuu ka soo xoogsado nolol maaleedkiisa.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa iyagoo shacabka isku ekeysiinayo marwalbo weerar joogto ah ku soo qaado saldhiga AMISOM ee degmada Qoryooley taasoo dhalisay in AMISOM kala saari weyso Shabaabka weerarka soo qaadayo iyo dadka shacabka ah ee deegaanka ku nool.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE