Xog: Maxaad kala socotaa tirada iyo nooca hubka lagala baxay Villa Soomaliya iyo magacyada Saraakiisha…

Waxaa maalmihii la soo dhaafay xarunta looga arimiyo soomaliya ee villa Somalia lagala baxay hub farabadan oo halkaasi yaalay.

Gudaha xaruunta madaxtooyada waxaa ku yaalo goob hubka lagu keydiyo, halkaas oo ay taalaan rasaas noocyada kala duwan ee qoriyaha iyo qoryaha dagaalka, waana halka lagala baxay hubka maqan.

Ilo go’ogaal ah ayaa shabkadda Markacadey u xaqiijiyay in hubka lala baxay uu ka dambeeyo Cabdullahi Macalin Nuur oo ku magacownaa taliyaha qeybka saadka ee ciidamada xooga dalka,hubka lagala baxayna ay ka mid yihiin gawaarida dagaalka, 35 qoryaha dabajeexa loo yaqaano iyo rasaas fara badan oo ah nooca qoryaha fud fudud.

Xogta aan helnay ayaa intaa ku daraysa in gawaarida dagaalka ee laga qaatay madaxtooyada ay si toos ah ula wareegeen nin lagu magacaabo General Ibrahim Sheekh Muxyadiin oo ku magacownaa taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo Gaashaanle sare Cusubow iyo General Garabey.

Raggan oo dhamaantood heyb qabiil wadaagaan madaxweynihii hore ee soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la leeyahay waxa ay damacsan yihiin in ay jalaafooyin u dhigaan dowladda madaxweyne Farmaajo, waxayna ka duulaan dano qabiil oo salka ku heysa qaab fekerka qabiilka ku dhisan ee soomaliya baday halka ay maanta taalo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran