Bililiqo Saakey Ka Socoto Madaxtooyada Maamulka K/Galbeed Ee Degmada Afgooye

Wararka ka imaanayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegayo in Bililiqo xoogan ay ka bilaabatey Madaxtooyada K/Galbeed ee uu deganaan jiray Shariif Xasan.

Isbaariiste Maxamed Abuukar Jacfar ahna Shariif Xasan Seedigiis ayaa ah ninka wada Bililiqada xoogan ee maanta Afgooye ka socoto, Madaxtooyada Shariif Sakiin ayaa Laba Sano kahor lagu qalabeeyey lacag Boqolaal kun oo Doolar iyadoo lacagtaas ay bixiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobey laguna bixiyey Magaca reer Shabeelaha hoose,

Isku soo wada Duuboo, arrintaan waxay muujineysa sida Doonfaar uusan u Daahirsameyn xattaa haddii Daahir loo bixiyo, waa sida uu reer Shabeelaha hoose ku sameyn rabey Shariif Sakiin ee ah in isbaarooleyda ay xukumaan Dadka Xalaasha ah ee Deegaanka lkn waa taas Hooygii Shariif Sakiin ay Bililiqada ku bilaabeen Mooryaantii 20 sano dadka boobeysay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE