Ciidamo Cusub Oo Tababar Loogu Soo Xiray Garoonka Diyaaradaha Lambar50 Ee Gobolka Sh/hoose (Sawrio)

Munaasabad tababar loogu soo xirayey ku dhowaad 200 dhalinyaro ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose.

Maamulada degmooyinka Lambar50, Marka iyo Jannaale ayaa  si wadajir ah iskaga kaashaday diyaarinta ciidamadan cusub oo loogu talo galay sugidda amniga deegaanada laga soo aruuriyey.

Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen waxgarad, culimaa’uddiin, Saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmooyinkan ayaa waxaa laga jeediyey khudbado kala duwan oo qiiro fiican u yeelay dhalinyarada.

Hoos ka daawo Sawirada:

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE