Madaxweyne Farmaajo Oo Safiir Caan Ah U Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xilka agaasimaha madaxtooyada u magacaabay safiirkii hore ee soomaliya ee ururka midowga Yurub Cali Faqi.

Cali Faqi ayaa horay madaxweynihii hore ee Soomaliya u magacaabay safiirka Soomaliya u fadhiya dalalka Luxembourg, Holland, Biljam iyo midowga Yurub.

Waxaa sidoo kale maanta madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay madaxa Baratakoolka ee madaxtooyada Siyaad Cali Shire oo horay u ahaa qusulka guud ee Soomaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran