Maxay ka dhigan tahay xilka qaadista lagu sameeyay Wasiir Macalin Barre?

Waxaa maanta maamulka Koonfur galbeed xilkii uu ka hayay ee wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta ka qaaday Axmed Maxammed Barre oo loo yaqaano Macalin Barre.

Xil-ka qaadista ayaa timid kadib muddo bilooyin ah oo wasiir Macalin Barre uu dacaayado iyo hadalo xambaarsan mucaaradnimo aan daliilo cad wadan oo warbaahinta u marinayay madaxweynaha maamulka K.Galbeed, waxa uuna qeyb ka ahaa qaar ka tirsan xildhibaanada maamulka Koonfur galbeed oo waday mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan.

In badan ayaa khubarada adorsa arimaha maamulka K.Galbeed ay is weydiinayeen maxay tahay sababta dhabta ah ee ka dambeysa mucaaradnimada aan loo meel dayin ee wasiir hore Macalin Barre uu la daba-taagan yahay madaxweynaha maamulka K.Galbeed intii uu ka shaqeyn lahaa sidii maamulka K.Galbeed uu uga soo dhicin lahaa xuquuqda ay shacabka Sh.Hoose ku leeyihiin maamulkaas.

Dadka reer Sh. hoose marnama kama helin xuquuqdii aya ku lahaayeen maamulka K.Galbeed gaar ahaan qeybta ay ku leeyihiin mashaariicda dib u dhiska ee loogu talagay maamul goboleedyada kuwaas oo lagu koobay kaliya labada Gobol ee Bay iyo Bakool, sababtana waxa ay tahay in madaxda ka soo jeeda Sh.Hoose ee ku jira maamulkaas ay ku fashilmeen in ay ka soo dhalaalaan waajibaadkooda, ayna isku koobeen in ay danahooda gaar ah daba-ordaan marka ay waayana ay dacaayada warbaahinta la soo istaagaan.

Macalin Barre ayaa tan iyo markii loo magacaabay jagada wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta ku mashquulsanaa in uu faraha la galo arimo badan oo uusan shaqo ku lahayn, ayna ahayd in waqtigiisa uu ku bixiyo waxyaabo ka muhiimsan, dhamaan arimahaasna waxay wadaagaan in Macalin Barre uu ahaa mucaarad wax duminaya ee uusan ahayn mucaarad mas’uul ah oo wax dhisaya.

Mucaaradaada xooga leh ee wasiir hore Macalin Barre uu u jeediyay madaxweynaha maamulka K.Galbeed ma ahayn mucaaradad wax dhisaysa waayo waxa uu ahaa shaqsi ku sugan magaalada Muqdisho, isla markaana idaacadaha magaalada Muqdisho u adeegsanaya in uu meel uga dhaco maamulka uu ka tirsan yahay, balse waxay ahayd in uu ka jeediyo aragtiyadiisa gudaha maamulka uu ka tirsan yahay, hadii laga dhegeysan waayo talooyinkiisana uu jagada iska casilo.

Mucaaradda Macalin Barre waxay ahayd mid xambaarsan sifooyinka hab-dhaqankii hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaliya, mana aha mid la jaanqaadi karta xilligan ay isbedelada wax dhisaya ka socdaan guud ahaan gobolada soomaliya.waxaana lagu doodi karaa in maamulka K.Galbeed uu in badan u dulqaatay wasiir Macalin Barre.
Talaabadii uu maanta qaaday Maamulka K.Galbeed waa tallaabo mudan bogaadin waayo waxa ay meesha ka saartay shakhsi ku guuldareystay in uu ka soo dhalaalo howshii ay ka sugayeen shacabka uu matalo ee Sh.Hoose, isla markaasna waqtigiisa ku khasaariyay mucaaradnimo wax dumineysa, waxaana ka codsaneynaa hogaamiyaasha beesha uu ka soo jeedo in ay soo xulaan shakhsi karti leh oo maamulka K.Galeed uga soo dhiciya xuquuqdooda.

Muuse Xasan

kabtooli50@yahoo.com

Minnesota USA

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran