Sawiro: Sida Ay U Noolyihiin Shacab Badan Oo Reer Sh/hoose Ah Oo Ay Soo Barakiciyeen Alshabaab Iyo Mooryaanta Iskaashanaayo (Sawiro)

Maleeshiyada Alshabaab oo garabsanaayo mooryaantii xoogga ku haysatay beeraha shacabka ayaa waxay mudooyinkii u dambeeyey wadeen barakicin shacabkii deganaa deegaano badan ka tirsan gobolka Sh/hose.

Deegaanada shacabkaan ay ka soo barakaceen waxaa ka mid ah Jannaale, Busley Daauud, Sagaaroole, Abuutey, Siinaay, Gaaywarow, Buulo Cadey, Shalambood iyo deegaano kale oo isla gobolka ah.

Qoysas badan oo ay soo barakiciyeen iskaashatada Alshabaab iyo Mooryaanta ayaa waxay soo gaareen degmada Lambar50 halkaasoo nolol maalmeedkoooda ay ku maareeyaan iyadoo lagu jiro xiligan adag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE