Bogaadin Hambalyo Iyo Duco Ku Socota Qaranka Soomaaliyeed Ka Timid Walaalaha Cali Ibraahiim( Reer Biciidyahan) Iyo Maxamuud Ibraahiim (Reer Maxamuud)

Ugu horayn waxaanu umahad celinaynaa Allaah isagaana leh mahad oo idil dhamaanteed iyo amaan.Anagoo ah beelo kamid ah beelaha soomaaliyeed ee sharafta badan,ayaan ayaan garanay in aan halkan ku soo ban dhigno dareenkayaga soomaalinimo.Waxaan ahayn soomaaliyeey dad soo jireen ah oo illaahay ku uumay geeska afrikada bari,dad filwayn oo ku caan ahaa deeqsinimada,marti soorka iyo kala gar qaadashada gudoonka iyo kala danbaynta.dawladayo ayaynu lahayn tii u danbaysayna aynu iska duminayn oo gacmaheena ku burburinay kadib dagaalo sokeeye oo dhacay 1991 dii.Waxaan marwalba meesha ka maqnayn shisheeye inaga faa idaysanaya colaadeena sokeeye.

Dadka soomaaliyeed oo ah dad aad u adkaysi badan,ayaa isku dayay inay ka baxaan dhibatada dawlad la aanta iyo amaan darida.Madaxwayne ayaa loo doortay CALI MAHDI si dalka loo caymiyo khayr allaah hasiiyo waa uu dadaalay nasiibna umayeelan in uu xakameeyo dhibaatadii dawlad la aanta iyo fawdada.Waxaa la doortay markale CABDI QASIM SALAAD khayr allaah hasiiyo waa dadaalay hayeeshee nasiib daro kuma guulaysan in uu xakameeyo dhibka dalkana dawladnimo ku soo dabaalo.Waxa xigay CABDULLAHI YUSUF khayr allaah hasiiyo wuu dadaalay nasiib daro kuma guulaysan in dalku xasilo ka baxo fawdada helo dawlad shaqaysa.Waxa xigay SHARIIF AXMED khayr allaah hasiiyo waa dadaalay hayeeshee waxa uu maray wadadii ragii ka horeeyay oo ma keenin dalka amaan iyo kala danbayn dawladnimo.Waxa xigay XASAN SHIIKH  khayr allaah hasiiyo waa dadaalay hayeeshee kuma guulaysan dalka in uu kusoo dabaalo nabad iyo dawladnimo shacabka soomaaliyeed kasugayeen.

Madaxdaas soomaaliyeed intii dhimatay allaah ha u naxariisto inta noola khayr iyo nolol fiican baan eebe uga baryaynaa.Madaxdan nin waliba in ay u joogtayba waa dadaaleen wanaagna u qabteen dadkooda iyo dalkooda waxaana u haynaa wanaag kamana abaal dhacayno in yar iyo inbadan waxay qabteen oo wanaag ah oo ina soo gaarsiiyay bartaan maanta joogno alxamdu lilaah.Waxaan qiimaynaynaa marwalba  dhanka wanaaga iyadaana nagu filan oo noo fiican.Dadkeena soomaaliyeed waxa haysta mudo xanuun badan dawlad la aan, colaado macno daro ah,abaaro barakac, taasoo abuurtay  niyad jab.Mudo intii ah dalkeenu waxa uu noqday baylaha cidwalbaa ka adeegato,mid sunkushuba bad iyo bariba iyo mid khayraadkeenii booba. Dadkeenii soomaaliyeed ee ciziga lahaa waxaa noqonay kuwo lagu maahmaaho oo dawladuhu yiraahdaan hanoqonina sida soomaalida oo kale ee dalkiina illaashada.

Waxaan dareenay in gargaarkii allaah noo yimid isagaa markuu culayskeeno iyo imtixaan hadana keena fudaydin iyo barwaaqo isagaana maamulaya koonkaan.Umada soomaaliyeed waxay dal iyo dibadba ka codsadeen si cod dheer ah in baarlamaanka soomaaliyeed ee cusubi ka fogaado laaluush,qaraabo kiil,nin jeclaysi iyo u adeegid dano shisheeye oo guracan.waxaa hadlay culimadii soomaaliyeed oo wacdiday,dhalinyaraa hadashay,gabdho iyo wilaalba odayaal,aqoonyahano,looma kala harin in xildhibaanadu u doortaan shacabka mid u qalma u adeega dadlkiisa iyo dadkiisa oo difaaca diinta,dadka,diinta,iyo dalka.arimahan kacdoonka iyo doonista dadwaynaha soomaaliyeed sidan oo kale hore uuguma dhicin dalkeena gaar ahaan intaan burbursanahay. 8.2.2017 waxaa baarlamanku doortay hogaamiyihii shacabka soomaaliyeed ay rabeen maxamed abdullahi farmaajo.Waxaa taa noo cadeeyay casimada dalkeena oo ay ku noolyihiin shacab aad u tiro badan ayaa u soo baxay si aan la arag damaashaad iyo faraxad ilaa hada socota.waxaa intaa dheer miyi iyo magaalo gobolada soomaaliyeed oo dhan waa laga soo dhaweeyay oo loo dabaal dagay. intaa waxaa dheer qurba joogtii oo wali damaashadaysa oo ku faraxsan hogaamiyahaa u soo baxay dalkooda hooyo.

Waxaa sharaf iyo duco aan u diraynaa madaxwaynihii hore mudane xasan shiikh oo muu jiyay in uu si ilbaxnimo leh karaamo leh soomaalinimo ah u wareejiyay xilkii taasoo aanaan hilmaamayn waligayo.waa ku fanaanaynaa xasan shiikh oo aduunkii tusay in soomaaliya ay tahay dad wanaagsan xadaari ah is jecel talo wadaag ah tan aduunkii oo dhan baa yaabay!!.Mudane xasan waxaa tahay oday soomaaliyeed.waxa xiga shacabka mogdisho oo isku xiray umadii soomaaliyeed oo niyada u dhisay oo nasiiyay kalsooni iyo wada jir dhab ah waxayna iska tuureen qabiil iyo gumaysi iyo duli nimo waa u ducaynaynaa waana idinla jirnaa garab kiinaan taaganahay. waxaan oo nicmo ah illaah baa inasiiyay oo dadkeenii soomaaliyeed walaaleeyay dantoodiina garan siiyay.waxaad ogaataan nina kaligii waxba ma noqon karo. Maanta waxaan haysanaa baarlamaan aamin ah oo aan ku kalsoonahay,waxaan haysanaa madaxwayne shacabkiisu jecelyihiin ku kalsoon yihiin,waxan haley fursad aan caruurteena soomaaliyeed ugu samayn karo aayo tiin wacan nabad iyo nolal fiican. Waxaan u ducaynaynaa una habalyaynaynaa madaxwaynaha umada soomaaliyeed mudane Farmaajo waxana illaahay uga baryaynaa in uu ka dhigo mid ku guulaysta hawshaa qabyada ah ee madaxdii soomaaliyeed nin walbaa heer soo gaarsiiyay kii soo afjari lahaa sabab u noqon lahaa dhamaystirkeeda oo ah dalkoo hela xasilooni siyaasadeed iyo mid amaanba guud ahaan soomaaliya.

Shacabka soomaaliyeed ayaa guulaystay taladana inagaa leh waajib weeye diiniyan ah in aan dalkeena iyo diinteena iyo dadkeena difaacno kadifaacno shisheeyaha iyo midka ay soo dirteenba.waxaan u ducaynaynaa kalsooni buuxdana ku qabnaa baarlamaanka soomaaliya gulaysta waxaa tihiin kuwo damiir leh.waxaan si kal iyo laab ah ugu ducaynaynaa faraxada iyo damaashaadkana la qaybsanaynaa shacabka soomaaliyeed iyo madaxdooda oo ah qaranka soomaaliyeed.nin walba shaqsi ahaantii,waxaa laga rabaa in dalka uu qaybtiisa qabto hormarkiisa maxaayeelay hadaadan shaqayn yaa kuu shaqayn? anagu safka horaan nahay diifaca diinta,dadka iyo dalka,waxaana nagu wayn wadajirka iyo soomaalinimada.soomaali qalbigeeda illaah haysu dumo sidaa ay maanta muujisay allaah ha u aqbalo.

WQ: Yusuf Omar

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran