Ciidamada Nabadsugidda Dowladda Federalka Oo Soo Qabtay 4 Qof Oo Lagu Soo Eedeeyey Dilalkii Maanta Muqdisho Ka Dhacay

Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ayaa afar ruux u soo qabatay dilkii maanta loo geystay Afhayeenka maamulkii ee burburay ee Ximan/Xeeb ee ka dhisnaa degmada Cadaado.

Eedeysaneyaasha ay ciidamada gacanta ku soo dhigeen ayaa waxaa laga soo ka qabtay hawlgalo kala duwan oo ka dhacay xaafado ku yaallo waqooyiga magaalada Muqdisho.

Hawlgalka 1aad ayey ciidamada Xaafadda Jamhuuriya ka fuliyeen waxayna ku soo qabteen gaarigii lagu fuliyey shirqoolka dilka kaasi oo ahaa nooca NOAH ay soomaalida u taqaano, sidoo kale ciidamada waxay isla goobtaas ka soo qabteen nin agtaagnaa gaariga.

Hawlgalka 2aad oo laga fuliyey xaafadda Sanca ee degmada Kaaraan ayaa waxaa lagu soo qabtay labo nin iyo qof dumar ah. Qofta dumarka ah ayaa la sheegay y in ay leedahay gaariga laga soo qabtay xaafadda Jamhuuriya ee la aminsan yahay in lagu fuliyey dilalkii maanta Muqdisho ka dhacay.

Eedeysaneyaasha ayaa waxaa caawa la keenay xabsi ay ciidamada Nabadsugidda ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE