Maamulka Degmada Marka Oo Qalab Caafimaad Ka Gudoomay Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika Ee AMISOM (Sawiro)

Maamulka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ciidamada AMISOM ka gudoomay agab kala duwan oo loogu talo galay in loogu adeego bulshada degmada Marka. 

Waxgarad iyo mas’uuliyiinta degmada oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM uga mahadceliyey gargaarka ay la garab taagan yihiin shacabka magaalada Marka.

Agabka uu maamulka degmada Marka ka gudoomay AMISOM waxaa ka kooban sida soo socoto:

  1. Sariirada Bukaanka: 30 xabo
  2. Joodari: 60 cabo
  3. Komadiino:  30 Xabo
  4. Kuraas:  6 xabo
  5. Miisas xafiiseed: 4 xabo
  6. Go’yo firaash: 60 xabo
  7. Takabaano faleembo la suro: 30 xabo
  8. Bac joodari balaastiig: 60

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE