Milkiilihii Idaacadda Codka Gobolada Dhexe Oo Muqdisho Lagu Dilay

Kooxo hubeysan ayaa weerar culus ku qaaday gaari nooca raaxada ah oo uu watay mas’uul xili hore xubin ka ahaan jiray maamulkii Ximan iyo Xeeb ee ka howlgali jiray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Mohamed Omar Hagafey oo horey u soo noqday Afhayeenkii maamulkii hore ee degmada Cadaado isla markaasina ahaa Milkiiliha Idaacadda Codka Gobolada Dhexe ayaa lagu Dilay weerarka oo ka dhacay agagaarka Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan (Ex. Digfeer) ee Magaalada Muqdisho.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federalka oo goobta ka agdhowaa kuwaasoo meydka marxuumka goobtaasi ka qaaday.

Kooxaha fal-dambiyeedkadilka geystay ayaa isla markiiba goobta iskaga baxsaday kadib markii ay hubsadeen in howlgalkooda guuleystay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE