Sawiro: Waa Sidee Xaaladda Deegaanka Muuri Oo Iskoolkii Iyo Ceel Biyoodkii Uu Lahaa Ay Gubeen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab?

Deegaanka Muuri oo u dhexeeyo deegmooyinka Afgooye iyo Lambar50 ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku nool shacab badan oo intooda badan ah dad Beeraley. Deegaankan waxaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay weeraro joogto ah ku soo qaadayey maleeshiyada kooxda Alshabaab oo dab qabadsiiyey xarumahii adeegga bulshada.

Alshabaab ayaa dab qabadsiiyey Iskuul iyo Ceelbiyoodkii ku yaalay deegaankan si ay u barakiciyaan shacabka degga deegaankan ku yaallo meel Istraatiji ah.

Markacadey.com oo kaashaneyno maamulka deegaanka waxay idiin soo gudbineysaa awiro muujinaayo burburka iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dadka deegaanka.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE