Madaxweyne Farmaajo Oo Xafladda Caleemo-Saarkiisa Kadib U Safraayo Dalka Sacuudiga Si Uu U Soo Cumreysto

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada soo socoto lagu caleema saaro magaalada Muqdisho.

Caleemo-saarka kadib, madaxweyne Farmaajo ayaa Safarkiisii ugu horeeyey dalka dibadiisa gali doono, wuxuuna u safrayaa sida la sheegayo dalka Sucuudiga halkaasoo uu kusoo cumreysanayo.

Acmasha Cumrada kadib, madaxweyne Farmaajo wuxuu kulamo wadatashi la qaadan doonaa boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcaziz.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan wuxuu aadayaa xili dalka hawlo aad u culus ay yaalaan, loogana fadhiyo waxqabad deg deg ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE