Magaalo Ka Tirsan Gobolka Sh/hoose Oo Aad U Camirneyd Ka Hor Inta Uusan Madaxweyne Noqonin Xasan Sheekh Oo Hadda Lama Degaan Noqotay(Sawiro)

Kaamirada shabakadda Markacadey.com oo maalmahaan wareegeysay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa waxay maanta booqatay deegaanka Ceelwareegow oo inta badan shacabkii deganaa ay ka guureen sababo la xiriiro dagaallo ba’an oo ka dhacayey 5-tii sano ee uu Soomaaliya madaxwyne ka ahaa Xasan Culusow.

Deegaanweynaha Ceelwareegow oo ku yaalo duleedka waqooyi ee degmada Marka ayaa aad u camirnaa ka hor inta uu san hogaanka dalka qabanin madaxweyne Xasan Culusow, waxaa 5-tii sano ee la soo dhaafay duulaano gardarro ah ku soo qaadayey maleeshiyo beeleed ku labisneyd dharka dowladda kuwaasoo lagu mideeyey guuto 3aad iyo guuto 5aad ee ciidanka dowladda federalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maleeshiyaad reer Galgaduud ah oo ay haybta qabiilka Hawiye wadagaan u soo diray gobolka Sh/hoose kuwaasoo hadafkooda ahaa inay barakiciyaan beesha Biimaal oo ka mid ah beelaha sida weyn u deggan gobolka Sh/hoose.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE