Qurba Joogta Beesha Biimaal Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Direy AUN Ehelada Uu Ka Geeriyoodey Marxuum Xasan Cumar Garmeelle

Guud ahaan qurba joogta Beesha Biimaal ee ku kala sugan dunida dacaladeeda kala duwan ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayanaa Qoyska Reerka reer Garmeele oo ugu horeeyo Mukhtaar Xasan Cumar Garmeelle oo maanta Aabahood Nabadoon Xasan Cumar Garmeelle uu ku geeriyoodey Qaraxii ka dhacay Xaafadda Kaawo-godey ee magaalada Muqdisho.

Jaaliyadaha Beesha oo ku kala sugan dunida dacaladeeda sida Boqortooyada Sacuudiga, Uk, Mareekanka iyo meelo kale ayaa dhamaan waxay Ehellada marxuumka u rajeeyeen inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumkana uu Janadii Fardowsa ah ka waraabiyo.

Dhinaca kale Bahda Markacadey.com ayaa waxay ka tacsiyadeenayaan Geerida Marxuumka, waxayna leeyihiin guud ahaan qaraabada, asxaabta iyo Ehelada inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Inaa lilaah wa’inaa ileehi raajicuun

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE