Amar Lagu Xiraayo Wadooyinka Waaweyn Ee Magaalada Muqdisho Oo Lasoo Saaray

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu soo saaray amar lagu xiraayo Wadooyinka halbowlaha ee ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Iyadoo lagu wado in magaalada Muqdisho Maalinta arbacada ah ay ka qabsoonto Caleema saarka Madaxwyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xirnaashaha wadooyinka, waxa lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amaanka Caasimdda.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda Gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in laba maalimood si kumeel gaar ah loo xirey inta badan wadooyinka Caasimadda, wuxuuna ugu baaqey in ay dulqaad muujiyaan Shacabka inta lagu guda jiro xirnaashiyaha wadooyinka.

Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaab Wafood kala duwan oo ka kala  imaaneysa wadamo badan oo xiriir la leh dalka Soomaaliya, si ay goob joog uga ahaadaan xafladda caleema saarka.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey’adaha Amniga ayaa ka casbi qaba in ay jiri karaan ficillo waxyeeleen kara amaanka Muqdisho inta lagu guda jiro xafladda, waxaana aad loo adkeeyey amaanka xarumaha dowlada iyo wadooyinka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE