Dhageyso Munaasabad Lagu Xusaayey Maalinta Afka Soomaaliga Oo Lagu Qabtey Magaalada Muqdisho

Munaasabad lagu xusayey Maalinta  la qoray Afka Soomaaliga ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa soo agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare,Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta iyo Golaha Abwaanada Soomaaliyeed waxaana lagu maamuusayey Maalinta  la qoray Farta Afka Soomaaliga.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Xaamud Cali Xasan oo Munaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in dowladii Kacaanka ay ku dadaashay hormarinta Afka Soomaaliga,wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo amba qaado horumarinta Afka Hooyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE