Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb geli doona Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa ahaa ninka kaliya ee aan imaan magaalada Muqdisho intii ay socdeen ololaha doorashada iyo maalintii ay dhaceysay doorashada Madaxweynaha, halka Madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay qeyb ka ahaayeen ololaha doorashada, ayna u kala ololeynayeen Musharaxiinta qaar.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in kulankii u horeeyay la qaato Madaxeynaha la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo maamulkiisa uu ka mid ahaa meelaha laga soo dhoweeyay doorashadiisa.

Qaban qaabada Munaasabada caleema saarka oo dhici doonta maalinta Arbacada ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan wafuud caalami ah oo ay ku jiraan madax ka socota wadamada deriska ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE