Ciidamada Ammaanka Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimaha Telefishanka STAR TV

Ciidamada Amaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay wariye Maxamed Baashe Xasan oo ah Agaasimaha Tefishanka Star TV.

Ciidamada Booliska ayaa Maxamed Baashe qabtay xili uu ka soo baxay mid kamid ah Hoteelada magaalada Hargeysa oo la sheegay in u kaga qaybgalay shir ka dhan ah heshiis Xukuumadda Somaliland la gashay dowladda Imaaraatka Carabta.

Agaasime Maxamed Baashe Xasan ayaa ah suxufi rug cadaa ah, waxaana uu aqoonta saxaafadda ku soo bartey dalkii la dhihi jirey Czechoslovakia dhamaaskii sanadihii Sideetamaadkii. Waa qoraa waxaana kamid ah buugta uu qoray,

  1. Hal ka haleel ee taariikhda Hadraawi,
  2. Guri waa Haween ,
  3. Hal aan tebeyey ee taariikha Xaaji Aaden Af-qallooc.

Ciidamada Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay dhowr wariye oo kiisas kala duwan ku eedeysan iyadoo Wariye C/maalik Coldoon uu xiligan ku xiran yahay xabsiga magaalada Hargeysa.

 

Xigasho: Horseed Media

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE