Dhageyso Boqor Maxamed Jaamac Oo Ka Mid Ah Odayaasha Saxiixayaasha 135-Ta Odey Ayaa Sheegay In Loo Hanjbay

Boqor Maxamed Jaamac oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka labada Aqal ee Soomaaliya kana mid ah 135-ta Oday dhaqameed oo Wareysi siiyay Radio Danan ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin doonaya in Asaga ay dhibaateeyaan ka dib markii ay soo idlaatay arintii Baarlamanka ee muranka badan dhaliyay qaabka loo maray soo xulistooda.

Boqor Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu intaas warkiisa ku daray dadka wada dhibaatooyinka hanjabaada iyo shir qoolada ay ubadan yihiin siyaasiyiintii xilalka waayay ee looga adkaadey doorashadii xildhibaanada labada aqal.

Boqorka ayaa waxaa uu shaaciyay in uu ogaaday in loo maleegayo shrqoolo la damacsan yahay in lagu qaarajiyo, Ugu danbeyntii waxaa uu baaq udiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaala Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo iyo laamaha Amniga Soomaaliya in arintaas sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabtaan

Hadalka Boqor Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu imaanayaa xili hada dhibaato weyn oo dhanka amniga ah ay wajahayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE