Kala Shaki Soo Dhex Galay Xildhibaanada Beesha Biimaal Ee Dowlada Dhexe Iyo Warar Sheegaya Inay Isku Hanjabeen (Xog)

Xildhibanaada Beesha Biimaal ee dowlada dhexe ayaa tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo bilaabay dagaal dhexdooda ah.

Dagaalkan siyaasadeed ayaa yimid ka dib markii ay kala shakiyeen xildhibaanada labada aqal qaarkood oo lacago laalaauusha xad dhaaf ah ka qaatey Madaxweynihii xilka ka degey ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnaha ugu cad cad xildhibaanadan sida Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil, Cabdalla Xuseen Cali, Cabdulaahi Cumar Abshirow, Xuseen Cali Xaaji iyo C.raxmaan Ibbi ayaa isku qiyaaney balan qaad uu goob joog ka ahaa Ibraahin Cali Xaaji oo lala galay Shariif Xasan taas oo dhigeysay in codka xildhibaanada la siiyo Xasan Sheekh.

Ka dib markii uu doorashada ku guul dareystey Xasan Sheekh islamarkaana xilka uu kusoo baxay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Xildhibaanadan waxa ka dhex curtey dagaal u eg mid soo af jaraya magrigii iyo shirqoolkii ay ku heshiiyeen ee ay ku ilaabeen dhibaabada iyo Nolol xumida ay ku noolyihiin Shacabka ay magacooda ku matalataan Xildhibaanada labada aqal.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ka heleyno Xildhibaanada Beesha Biimaal ee dowlada dhexe ayaa sheegaya in xubnaha qaarkood ay is dhaafsadeen hanjabaado leysku mariyey Mobelka, waxaana taasi ay dhilisey in isbaheysi cusub ay sameystaan xildhibaanada qaar.

Iyadoo xil ma gooyayaal ay noqdeen inta badan xubnaha Beesha Biimaal ugu jira dowlada dhexe oo ay ugu hreeyaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil oo lagu tiriyo rug cadaa siyaasadeed oo quus iyo fashil ku sugan iyo Cabdalle Xuseen Cali oo ku hungoobey tartankii Gudoonka Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli shacabka Beesha Biimaal macluul iyo Oon ay ugu baaba’ayaan deegano ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE