Kooxda Alshabaab Oo La Wareegtey Gacan Ku Heynta Deegaanka Camaara Ee Gobolka Galguduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee Gobolka Galguduud ayaa ku waramaya in halkaas ay la wareegeen Maleeshiyaad taabacsan kooxda Alshabaab.

Deegaanka Camaara oo maalmo ka hor ay gaareen Ciidamo duulaan ku ahaa degmada Xarardheere ayaa markii dambe dib uga laabtey, waxaana maanta la wareegey maleeshiyaad al shabaab ka tirsan.

Goob joogayaal ku sugan Camaara ayaa warbaahinta u sheegay in Alshabaab markii halkaasi gaareen ay gubeen goobo ganacsi oo u badan Maqaayado, waxaana goobahaas lagu sheegay in ay ahaayeen kuwo ay ka cunteen jireen Ciidamada dowladda markii ay halkaasi ku sugnaayeen.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in Alshabaab ay deegaanka ka wateen ku dhawaad 20 qof oo dad shacab ah kuwaas oo ay la aadeen degaanada Camaara ka baxsan mana la oga sababaha ay u wateen iyo eedeymaha ay u haaystaan.

Deegaanka Camaara oo qiyaas ahaan 100 km u jira magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ku sugnaa Ciidamo ka kala tirsanaa hey’adaha amniga ee Soomaaliya kuwaas oo diyaarimayey guluf ay kula wareegayaan magaalada Xarardheere, hase ahaatee hada waxa muuqanaya in Alshabaab ay dhankeeda bilaabeen in ay dhaqdhaqaaq muujiyaan si ay isaga difaacaan weerarada ku socda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE