Qaar Ka Mid Ah Madaxda Gobolka Oo Ka Baaqsadey Ka Qeyb Galka Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya

Iyadoo maalinta berita ah magaalada Muqdisho lagu wado in lagu caleema saaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah Madaxda Gobolka ay ka baaqsadeen ka qeyb galka Xafladda Caleema saarka.

Madaxda qaarkood oo loo direy Casuumado ayaa saacadihii ugu dambeeyey warar la helaayo uu sheegayaa in aanay imaan doonin magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale jira in ay soo gudbisteen cudur daar ku aadan safarkooda.

Warar laga helaayo Safaaradda dalka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Madaxweynaha dalkaasi Ururu Kenyata uu bedeley go’aankiisii ahaa inuu kasoo qeyb galo Xafladda Caleema saarka, waxaana wafdiga Kenya ka imaanaya berito hogaamin doonta haweeneyda Arimaha dibadda ee dalka Kenya Aamina Maxamed.

Sidoo kale Re’iisalwasaaraha dalka Itobiya ayaa dhankiisa la sheegayaa in aanu imaan doonin Xafladda, halka Madaxweynaha Uganda shaki badan laga muujiyey imaantinkiisa Muqdisho maadaama uu ka mid ahaa Madaxda ugu badan ee soo gaara Caasimadda Soomaaliya ee Muqdish.

Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo uu hogaaminayo Madaxdaweynaha Jabuuti ayaa si rasmi ah loo cadeeyey in maalinta Berita ah ay kasoo qeyb gali doonin Munaasabadda heerka caalami ee lagu caleema saari doono Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE