Qaban Qaabada Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho (Video)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo caleemo saari doonaa xilkaas iyadoo si weyn loogu diyaar garoobay, Amaanka ayaa aad loo xaqiijiyay iyadoo magaalada Muqdisho ay noqon doonto bandow halka madax beesha caalamka ah ay munaasabadaas kasoo qeyb gali doonto.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Farmaajo uu casuumaad ufidiyay masuuliyiin caan ah oo madaxweynayaal ubadan, Sidoo kale Madaxda maamulada dalka ayaa qaarkood soo gaaray magaalada Muqdisho, halka kuwa kalana la filayo iney Muqdisho utagaan caleema saarka mudane Farmaajo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE