Shacabka Muqdisho Oo Dareenkooda Ka Dhiibtey In Maanta La Xirin Wadooyinka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta diidey iney lugeeyaan Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu Xalay ku dhawaaqay in Wadooyinka Muqdisho ay xiran yihiin laba Maalmood iyadoo Berrito ay dhici doonto  Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa diidey in la fuliyo ammarka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in shacabka Labo maalin Xiriir ah aysan lugeyn karin,  islamarkaana haddii waddo la Xirayo Hal maalin ay noqoto, ama la isku dayo inaan waddo dhan la xirin oo si kale amaanka loo sugo.

Shacabka Muqdisho waxay saakay ahaayeen kuwo kusoo baxay iney cagta maalaan, waxayna ay doonayeen iney lugeeyaan iyaga oo xalay Idaacadaha ka maqlay in la lugeyn doono.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Furnaashaha Wadooyinka Maanta,waxaana ay sheegeen in ay ku Faraxsan yihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE