Xaalado Nolol Xumo Ah Oo Soo Wajahdey Dadka Ku Barakacey Deegaanada Miyiga Ee Ku Yaalla Duleedka Nambar 50 (Sawiro)

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ka taagan xaaldo bina aadanimo oo haaysta shacabka ku brakacay colaada ay ka dambeeyaan maleeshiyada Alshabaab ee ku caan baxay dilka iyo dhca masaakiinta.

Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose oo shacabkii ku dhaqnaa ay ku barakaceen dhul baadiya ah oo aanay ka jirin wax Nolo ah ayaa xilligan waxa soo wajahdey xaalado adag oo dhanka Nolosha ah.

In ka badan kun (1000) qoys oo u badan dadka ugu jilicsan bulshada sida Haweenka iyo Caruurta ayaa waxay ku noolyihiin deegaano dhinaca Galbeed kaga xiga Laamiga dheer ee Nambar 50, halkaas oo ay ku dhisteen Guryo ka sameysan bacyo.

Dadkan oo aan ku booqaney deegaanada ay ku noolyihiin ayaa waxay noo sheegeen in ay ku jiiraan go’doon kii ugu darnaa, iyagoo deegfanaadooda loo diidey in ay tagaan gaadiid ama wax raashiin qaada, waxay noo sheegeen in ay ogeysn madaxda deegaanka u dhalatey oo magacooda Kuris ku fadhiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE