Khudbaddii Madaxweyne Maxamed Cabdlaahi Farmaajo Oo Uu Kaga Hadley Sid Uu Ula Dhaqmayo Wadamada Deriska Iyo Wadamada Beesha Caalamka (Video)

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khudbad Miisaan leh ka jeediyey Munaasibadii Caleemo saarka ee maanta loo qabtay, Wuxuuna Ugu Horeyn uga mahadceliyay madaxdii isaga ka horeysay sida ay uga shaqeeyeen in Soomaaliya ay maanta heerkan soo gaarto iyo madaxda wadamada xariirka la leh Soomaaliya oo xafladan iyagana ka soo qeyb galay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ka dhabeyn doono balanqaadyadii uu sameeyay ee ahaa in Soomaaliya uu ka saarayo dhibaatadii mudada dheer kusoo jirtay.

Waxyaabaha uu diirada sida wayn u saaray waxaa kamid ahaa Arimaha Amaanka, Abaaraha, Dib u heshiisiinta iyo Qodobo kale oo waa wayn oo ay ka mid yihiin.

Inuu Si daacad ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ugu shaqayndoono,  Hannaanka Federaalka  dalka uu xoojindoono dhawaanna Xarumaha maamuladana uu booqandoono, lana tashandoona madax iyo shacabba.

Sugidda amniga iyoo dib u heshiisiin buuxda oo loosameeyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo  magaalada Gaalkacyo  ugu horrayso si loomideeyo magaalada,  ixtiraam iyo derisnimo wanaag uu wadamada deriska iyo caalamka kula dhaqmidoono iyana Laga Filayo.

Al-Shabaab in Cafis loo fidin doono,  haddii ay diidaana lala Dagaalami doono iyo Wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in uu dardargelin doono.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE