Maamulka-Jubbaland Oo Markale Boobey Jamame Kadib Markii Lacagihii Abaaraha Ee Degmadaas Uu Lunsadey

Guud ahaan Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa dhawaan waxa la gaarsiiyey Lacago loogu talagalay in loogu gargaaro dadka ay saameysay abaarta ku dhufatey guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa bilaabay inay degmooyinka hoos yimaada Maamulkooda ay u qeybiyaan lacagaha saami ahaan kasoo gaartey Gudiga Gurmadka Abaaraha ee heer Fedaraal.

Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa ka mid ah Maamulada deegmooyinka seddaxda Gobol u qeybiyey Lacagaha loogu talagalaya in loogu gurmado Abaaraha, waxaana soo baxaya dhaliilo ku aadan sida degmooyinka qaar loogu qeybiyey lacagaha oo gaarayey 150, 000 doolar.

Gobolka Jubada hoose oo ka mid ah deegaanada ugu badan ee ay ku le’deen dad iyo duunyo, shanta degmo ayaa saamiga ugu badan waxa la siiyey Magaalada Kismaayo, waxaana saamiga ugu yar la siiyey magaalada Jamaame oo ay ka jiraan xaalado nololeed oo bina aadanimo ah.

Warar ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa sheegaya in kulanka lagu qeyb sadey lacagaha Gurmadka Abaaraha uu fadhiyey xildhibaan laga soo doortey Jamaame oo lagu magacaabo Cabdullahi Weynoo oo u dhashay Beesha Biimaal.

Kismayo $15,000

Jamame $4000,

Badhadhe $10,000,

Afmadow $8,000,

Xagar $5000

Magaalada Jamaame oo ah magaala Madaxda labaad ee Gobolka Jubada hoose ayaa waxa hoos yimaada 86 tuulo oo intooda badan ah deegaano aad u bulsho badan, waxaana ku jirta Deegaanka Kamsuumo, oo bulsha ahaan baaxad ahaanba ka weyn degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe, waana arin aan la aqbali karin in 4 000, oo doolar la siiyo.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo Magaalada Jamaame horey loo boobey Xildhibaanadii ay ku laheyd Baarlamaanka Jubbaland, waxaana tani ay meesha kasii saareysaa rajadii liidatey ee ku jirtey Shacabka magaalada Jamaame.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE