Sheekh Shariif Sheekh Axmed ”Soomaaliya Waxay Taariikh Dheer Ku Leedahay Inay Si Xuriyadd Leh Xilka Isugu Wareejiyaan” (Video)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay xilkiisa kadib markii uu khudbad ka jeediyay xaflada caleemo saarka.

Sheekh Shariif oo marka hore u mahadceliyay dadaalkii madaxdii dalka soo martay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Aniga shaqsi ahaan waxaan kuu balan qaadayaa inaan kuula shaqeyn doono si dhab ah”ayuu yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay taariikh dheer ku leedahay iney si xoriyad leh ay xilka ku wareejiyaan ayna taas Afrika oo dhan hormuud uga yihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE