Boqorka Dalka Sacuudiga Oo Qasriga Looga Armiyo Dalkaasi Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya (Video)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Riyad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Madaxda dalkaasi Sucuudiga, Wafdiga ayaa waxa ka mid ahaa Wsaiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye Cumar iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulan khaas ah wuxuu la qaatey Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madax kale, ka hor inta uusan soo gudanin Waajibaadka Cimrada.

Qodobada ay labada Mas’uul kawada hadlen ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka soo jireenka ah, Iskaashiga Gobalka ee ladagaalanka Xuutiyiinta, Abaaraha Soomaaliya ku dhuftey, Dhismaha Saldhiga militeriga Imaaraadka ee Berbera iyo Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Federalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE