Dagaalo Goos Goos Ah Oo Ka Socda Magaalada Marka Iyo Ciidamada Maamulka Marka Oo Horumar Ka Sameeyey

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa maanta ka socda dagaalo Goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Marka iyo Maleeshiyaad isbaheysi ah.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib rasaas wiifta ah oo ay soo bilaabeen Maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya dhismayaasha ay xooga uga guuriyeen dadka Shacabka ah, waxaana arintaas ka jawaabay Ciidamada Maamulka Marka.

Rasaasta oo hadda u muuqata mid sii qaboobeysa ayaa xogeedu wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Marka iyo Sarta Iimaan Santer, halkaas oo fariisin ay ku lahaayeen Maleeshiyaad laga maamulo deegaanka Jilib Marka oo isugu jira Mooryaan iyo Shabaab.

Ciidamada Maamulka Marka ayaa dagaalkan u muuqda midka goos gooska ah ka sameeyey hor mar la taaban karo waxaana ay la wareegeen ilaa seddax difaac oo ka mid ahaa goobaha dadka laga dhibaateeyo.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Magaalada Marka oo warbaahinta war kooban siiyey ayaa sheegay in rasaas u eg Daan-daansi lagu tuur tey, ayna ka jawaabeen, wuxuu intaa raaciyey in guulo la taaban karo ay ka gaareen oo hadda ay xoog kula wareegeen ilaa seddax dhisme oo ka mid ahaa kuwii laga guuriyey Shacabka.

Waxaan idin soo gudbin doonnaa wareysiyo iyo warbixinno ku saabsan halka uu xaalku maraayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE