Dhageyso Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Warbixiyey Sababaha Uu Ku Doortey Ra’isalwasaaraha Uu Soo Magacaabay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  ka warbixiyey Waxyaabaha uu kusoo xushay Ra’salwasaare Xasan Cali Khayre.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in isaga oo ka shidaal qaadanaya is qabqabsigii Madaxdii hore ee dalka inuu go’aansaday Magacaabista Xasan Cali Khayre oo uu sheegay inuu yahay Shaqsi ku shaqaynaya Mabaadii’da uu isagu aaminsan yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay iney ku shaqayn doonaan 3 qodob oo kala ah ilaalinta Amaanada Umadda Soomaaliyeed,Cadaalada iyo caawinta dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed,wuxuuna kula dardaarmay R/wasaaraha inuu soo dhiso xukuumad tayo leh marka ay ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan R/wasaaraha cusub isla markaane ay la shaqeeyaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE