Dhageyso Ra’iisalwasaaraha Cusub Oo Ka Warbixiyey Shaqada Ugu Horeysa Ee Uu Qaban Doono

R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay xilka uu u Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka uu u Magacaabay,Wuxuuna ballan qaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweyne Farmaajo.

R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa sheegay in marka ay ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka inuu si deg deg ah usoo dhisi doono xukuumad ka turjumaysa Shacabka Soomaaliyeed,R/wasaaraha ayaa ka codsaday shacabka iney gacan ku siiyaan sidii ay xilkaa u gudan lahaayeen,Wuxuuna ballan qaaday inuu si caddaalad ah ugu shaqayn doono Ummadda Soomaaliyeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE