Dhageyso Suugaantii Ay Barteen Ciidamadii Tawabarka Ku Qaatey Garoonka Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada

Ciidamada deegaanka ee Tawabarka loogu soo xirey Garoonka diyaaradaha Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa intii uu Tawabarka u socdey waxay halkaas ku qaateen duruus kala duwan.

Marka laga soo tago Leyliga iyo Gaada-ka ciyaarka iyo aadaabta Askariga waxa jirey Heeso si gaar ah loogu qaado Xarumaha Tawabarada si Askariga loo fahamsiiyo howsha u taala, waxaana barashadaas ay tahay mid qaab suugeed loo baro.

Tusaale ahaan Askarta ayaa markii ay ku jiraan Gaadiska ama Gaad-ka ciyaarka waxa dhahaan la baraa Erey maaweelin ah sida ”Mas ma cuntaa Haa, Sidee u cuntaa Ham Ham”.

Laakiin markii ay fadhiyaan ama istaagsanyihiin ayaa waxa kaloo jira suugaan tusaale ahaan ”Dad waxynu nahay dabka Garabka saaroo Daafac dalkeygow waan dadaalayaa, Dugsi waxaana dhigtaa leygu baro dagaalkoo, daafaca dalkeygow waan dadaalayaa, Ninka dhuumanayoo dharka xadaayoo dhabarkiis muuqdoo waan qabanayaa”.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE