Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle Iyo Dhigiisa Farmaajo Oo Si Wada Jir Ah U Dhagax Dhigey Safaaradda Jabuuti Ee Soomaaliya (Sawir)

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho sii uu uga qeyb galo xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuyiyadda Soomalaiya ayaa isla shalay dhagax dhigey Safaaradda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo uu wehliyo dhigiisa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah waxay u dhagax dhigeen Safaaradda Jabuuti ay ka dhisaneyso magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne oo munaasabadda dhagax dhigga ka hadlay ayaa sheegay in Soomaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaala ah, waxaana Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle lagu amaaney doorkii uu ka lahaa gacan qabashada Somaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE