Maleeshiyada Alshabaab Oo Burburiyey Qaar Ka Mid Ah Buundooyinkii Saarnaa Wabiga Deegaano Ku Yaalla Shabeelada Hoose

Maleeshiyada Alshabaab ayaa Usbuucii lasoo dhaafay wadey howlgallo ay ku burburinayaan Buundooyinkii saarnaa Wabiga Shabelle deegaano dhowr ah oo saarnaa deegaano ku yaalla Shabeelada hoose.

Koox qaabilsan burburinta Buundooyinka ayaa Deegaanada Sabiid, Bariire, Awdheegle iyo Janaale ku xirey qaraxyo iyo waxyaabo kale oo burburiya, waxaana gabi ahaanba la go’doomiyey deeganadii leysugu kala gooshi jirey.

Warar aan heleyno ayaa ku waramaya in Saake qaraxyo lagu xirey Buundada Janaale sii loo gooyo, waxaana weli ay ku howliyihiin sidii ay u godoomin lahaayeen deegaanada qaar oo Buundooyinka ay sahlaayeen isu kala gooshaddo.

Maalmo ka hor ayaa qaraxyo lagu xirey Buundada Sabiib iyo Bariiri, waxaana arimahan ay kusoo beegmayaan iyadoo laga cabsi qabo in weeraro lagu qaado deegaanada Gobolka Shabeelada hoose ay ka maamulaan Alshabaab.

Dhaqamada ceynkaan ookale ah ayaa markii la arko waxa jira sida wararku tilmaamayaan in Shabaabku ay hayaan xogo ku saabsan weeraro ka dhan ah oo lagu doonayo in lagu qabsado goobaha ay haaystaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE