Qarax Khasaare Sababay Oo Ciidamada Kenya Lagu Eegtey Gobolka Jubada Hoose

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax Maanta Ciidanka dalka Kenya lagula beegsaday  deegaan hoos taga  magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya ayaa waxaa Maanta Qarax lagula eegtay Deegaanka Haawina ee Gobolka Jubbada Hoose,Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay waxyeelo kasoo gaartay mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Kenya.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi, Al-shabaab ayaa sheegatay iney Qaraxaasi ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada dalka Kenya, hase haatee ma jiro war beeninaya ama cadeenaya sheegashada Alshabaab

Ciidamada dowlada Kenya ee ku sugan Gobolada Jubooyinka ayaa dagfaalo iyo weeraro waxay kala kulmaan maleeshiyada kooxda Alshabaab, waxaana muuqata tabar yari iyo isku filnaasho la’aan haaysata Ciidamada Kenya oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE