Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Magaalada Marka Iyo Alshabaab Oo Maleeshiyaad Cusub Gudaha Usoo Gelisey

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose oo maanta ay ka dhaceen dagaalo kooban ayaa caawa xaaladdeedu degentahay, waxaana lagu soo waramayaa in ay jiraan xaalado ka duwan kuwii hore.

Dagaal kooban oo si kulul uga dhacay Eeriyada Isbitaalka Marka ayaa sababay in Ciidamada Maamulka Marka ay hormar la taaban karo ka sameeyaan dagaalka, iyagoo la wareegay dhowr dhisme oo kaabiga ku haaya xarumaha ay xoogga ku joogaan Malesshiyada taageerta Alshabaab.

Ciidamada Maamulka Marka ayaa la wareegay dhismayaal ay ka midyihiin kuwo ku yaalla Xaafadda Beyturaas oo ku dhow xarunta Buracad badeed iyo dhisme kale oo u dhow Isbitaalka Marka, waxaana taasi ay keentey in Maleeshiyada laga taageero Jilib iyo howdka ay galabta qoryihii waaweynaa ka saaraan difaacyadii ay ku jireen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo caawa ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa ku waramaya in Caawa Maleeshiyaad cusub lasoo dhoobey magaalada Marka kuwaas oo loogu tala galay in ay xoojiyaan Mooryaanta naf lacaariga ah.

Maleeshiyadan oo laga keenay deeganaada howdka duleedka Magaalada Marka ayaa Caawa qoryaha PKM-yada waxay ku xirteen dhismayaasha qatarta ugu jira in ay ka baxaan gacanta Mooryaanta naf la caariga ah ee ku go’doonsan magaalada Marka.

Mararka qaar  ayaa waxa la maqlayaa rasaas goos oo u muuqata in leysugu sheegayo in weli leysugu jiro difaacyo oo aan la kala hoyan, waxaana taasi caawa ay culeys xoogan ku haaysaa Mooryaanta arxan laabayaasha ah oo markii ay ku jabeen dagaalada Gobolka la heshiiyey Maleeshiyada Alshabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE