Wararkii Ugu Dambyeey Alshabaab Oo La Wareegtey Deegaanka Ceelhuur, Hawadana Ka Saartey Isgaarsiinta Hobyo

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Maanta la wareegeen Deegaanka Ceel-huur oo kuyaalla Xeebta Gobolka Mudug.

Maleeshiyaad ka tirsan A-shabaab kuwaasoo wata Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay iney qabsadeen Deegaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug, Dadka Deegaanka ayaa waxaa soo wajahay Cabsi iyo walwal, waxaana lasoo sheegayaa in qaar kamid ah dadkii ku noolaa Deegaanka Ceel-huur iney halkaa ka guureen.

Maleeshiayadan ka tirsan Al-shabaab ee  la wareegay Deegaanka Ceel-huur ayaa ka ambabaxay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen dhaq-dhaqaaq Ciidan.

Dhinaca kale cabsi xoogan ayaa waxay ka jirtaa deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug halkaas oo gacanta ay gacanta ku hayaan Ciidamo taabacsan Maamul Goboleedka Galmudug.

Warar isa soo taraya ayaa ku waramaya in Alshabaab ay hawada ka saareen Isgaarsiintii deegaanka, waxaana jirta cabsi ah in ay halkaasi weeraraan oo ay kula dagaamaan Ciidamada Galmudug, iyadoo sidoo kale ay barakac bilaabeen Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE