Dhageyso Mooshin Xil Ka Qaadis Ah Oo Laga Keenay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Saxiixay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaan C/wali Sheekh Cali oo Afhayeen u ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble Xil gudasho la’aan, la tashi la’aan iyo ku takrifal awoodeed sida ay u cuskadeen doodooda.

C/wali Sheekh Cali ayaa meesha ka saaray in Xildhibaanada Moooshinka wada ay yihiin Xil doon, wuxuuna ku dhaliilay Madaxweyne Cosoble inuusan waxba ka qaban dhibaatooyinka ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE