Faafaahin Dagaal Culus Oo Maanta Mar Kale Ka Dhacay Magaalada Marka Iyo Maleeshiyaad Alshabaab Ah Oo Ku Le’dey

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose waxa maanta ka dhacay dagaal culus oo leysku adeegsdaey hub kala duwan, waxaana dagaalka intiisa badan uu ahaa mid ka socdey inta u dhaxeysa Isbitaalka Marka iyo dhismaha Siidcali Dabruube.

Dagaalkan oo daba socdey mid kooban oo shalay ka dhacy magaalada ayaa ka duwanaa kii shalay, waxaana maanta dagaalka toos uga qeyb qaatey Maleeshiyaad Alshabaab ah oo kasoo gurmadey deegaanada Jilibmarka iyo Dhanaane duleedka Bari ee magaalada Marka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya in seddax gaari oo nooca saarifta ah oo saarnaayeen Maleeshiyaad Alshabaab ah ay lasoo geliyey difaacyadii ay ku go’doonsanaayeen Mooryaanta Naf lacaariga ah.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka Maanta ayaa sida aan heleyno waxa dhaawacmey ilaa 7 qof oo Alshabaab ka tirsanaa kuwaas oo ka mid ahaa Maleeshiyadii lagu keenay Saarifyada, waxaana dhaawacyadooda la geeyey deegaanka Jilib, dadka dhaawacmey ayaa waxa ku jira horjoogihii Maleeshiyada Alshabaab ee deegaanada Xeebta.

Inkasto weli aan loo kala gubidn qeybaha Magaalada ee ay ku dhuumaaleysanayaan ayaa hadane waxa Mooryaanta laga saarey Guriga Siid Cali Dabruube oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee laga dhibaateyn jirey Shacabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE