Ku Simaha Madaxweynaha K/galbeed Oo Ka Hadley Magacaabista Ra’iisalwasaaraha Cusub Ee Soomaaliay

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ka hadlay Magacaabista Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre oo maalintii shalay loo Magacaabay in uu noqdo Ra’salwasaaraha dalka.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulkaasi Maxamed  Xasan Fiqi ayaa sheegay in Maamulkoodu uu si diiran usoo dhaweynayo magacaabista Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiir Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in R/wasaaraha la Magacaabay uu yahay Shaqsi Aqoon leh isla markaana kamid ah dadka amaanada lagu sheegay, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Koonfur Galbeed ay taageersan yihiin Magacaabista Xasan Cali Khayre.

Maamulka Koonfur gakbeed ayaa sida Muuqata ka daahay inay taageeraan ama ay ka hadlaan Magacaabista Ra’iisalwasaaraha Cusub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale jirin war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed marka laga reebo wabaahinta gudaha oo wareysi la yeelatey Wasiir Maxamed Xasan Fiqi/

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE