Shariif Sakiin Oo Waji Gabax Kala Kulmay Kulan Uu La Qaatey Madaxweyne Farmaajo Iyo Shariif Oo La Farey In Uu Ku Feello Gudomiye Jawaari

Kulan dhawaan magaalada Muqdisho ku dhex maray hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku dhamaadey natiijo xumo iyo arin aanu fileyn Shariifka.

Kulan gaar ah oo uu codsadey Shariif ayaa dhex maray labada Mas’uul, waxaana ujeedadu aheyd in Shariif uu Madaxweyne Farmaajo kala hadlo saami qeybsiga Beelaha ee dowlada, gaar ahaan Beelaha Digil iyo Mirifle, si uu u maamulo saamiga kusoo aadaey.

Shariif Sakiin oo raad xun oo aan wanaagsaneyn ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqdo mid fashilan, waxaana saaxada ka baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo heshiis hoosaad ay ku galeen in awood loo siiyo maamulidda siyaasadda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale in awood uu ku lahaado xukuumadda Cusub.

Waxa sidoo kale jira Shariif oo ay ku kacsanyihiin mucaaradda sababi kara in ay ka tuuraan xilka ayaa dhex fadhiya goob cidla ah, isagoo aanan heysan siyaasiyiin iyo koox isbaheysi ah oo kusiii haaya hogaanka uu maroorsadey ee Koonfur galbeed, waxaana xilligan uu wadaa sidii uu sameysan lahaa wajiyo uu kaga badbaado culeyska haaysta.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo lagu tiriyo hogaamiye waaya arag u leh siyaasadda xilligan ka jirta Sooomaaliya ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay in Awoodda dowladda ee saami qeybgiga uu Madaxda kaga Jiro beelaha K/galbeed Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxa sidoo kale loo sheegay in ay jiri karaan wada tashiyo iyo kulamo lala yeelan doono Madaxda Maamul Goboleedyada hase haatee awoodda ugu weyn ay lahaan doonaan Madaxda sare ee dowlada oo uu ka mid yahay Gudoomiye Jawaari, ayna haboon tahay in Shariif uu ku feello ama arintaas uu kaga dambeeyo Jawaari.

Shariif Sakiin oo dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Gudoomiye Jawaari ayaa diidey in wax wadatashi ah uu la yeesho Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana uu ku adkeystey in loo baahanyahay in looga dambeeyo shakhsiyaadka ka midka noqon doona Xukuumadda Cusub ee matalaya Beelaha Koonfur galbeed/ Digil iyo mirifle.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE