Dagaal Maalintii Seddaxaad Galay Oo Ka Socda Magaalada Marka Iyo Ciidamada Amaanka Oo La Wareegay Xaafadda Beyturaas

Dagaalka oo maalintii seddaxaad galay ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose. waxaana dagaalkii maanta uu ka duwanyahaya kii labadii maalmood ee lasoo dhoofey ka socdey magaalada.

Dhismayaal kaabiga ku haaya Isbitaalka Marka iyo kuwo kale oo ku yaalla xaafadda Beyturaas oo maalmihii lasoo dhaafey lagu hardamaayey ayaa saake markale xabadu ay ka qaacdey, waxaana ilaa hadda uu yahay dagaalka mid xoogan oo dhinacyada ay isku ridayaan rasaas culus.

Ciidamada Amaanka Maamulka Marka ayaa waxa u suura gashay in ay la waregaan inta badan Xaafadda Beyturaas oo ay ku yaalaan guryaha ugu badan ee ay ku dhuumaaleystaan kooxaha Alshabaab iyo xulafadooda, waxaana saake jirey weerar xoogan oo sawono (RPG) loo adeegsadey kuwaas oo lagu soo qaadey Ciidamada Maamulka Marka, hase ahaatee lagu jabiyey Mooryaanta garabsaneysa Alshabaab.

Wixii ka dambeeyey Salaada Duhur ayaa dagaalka wuxuu u wareegay Xaafadda Beyturaas gaar ahaan Eeriyada Dhismaha Burcad badeeda iyo shirkadda Hormuud halkaas oo ah meelaha laga soo abaabulo Sharwadayaasha dhibaateynta ka wada deegaanka.

Inta la ogyahay dagaalkii Maanta Ciidamada Mamaulka Marka waxa kaga Geeriyootey laba Halyey oo ku takbiirsadey weerarkii lagu qaadey Dooxa Beyturaas, halkaas oo dhiigooda uu sababey in Ciidamada garba socdey ay ku xoomaan dhul hor leh oo cadowgu ka dagaalamaayey.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleyno illo xog ogaal ahaa ku waramaya in Alshabaab iyo Mooryaantooda uu soo gaaray khasaare aan lasoo koobi karin, waxaana dhimashadooda la xaqiijiyey in ay gaareyso ilaa 7 ruux halka dhaawacoodu uu intaa ka badanyahay.

Wixii warar ah ee nagu soo kordha dib ayaan kasoo qori doonnaa insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE