Dhageyso La Yaabka Gudoomiye Xasna Cumarey ”Laba Maleeshiyo Oo Waxa Ay Ku Dagaalamayaan Aan Ogeyn Ayaa Isku Haaya Magaalada Marka”

Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumarey Macallin oo wareysi siiyey Warbaahinta gudaha ayaa faafaafhin ka bixiyey dagaal seddax maalmood ee lasoo dhaafey ka socdey gudaha magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Xasan Cumarey ayaa sheegay in laba Maleeshiyo Beeleed oo aan ogeyn waxa ay isku dilayaan ay ku dagaalamayaan magaalada Marka, waxaana nasiib daro uu ku tilmaamey in mar kale dagaal uu dhaco, isagoo direy baaq ah in dagaalka la joojiyo.

Waxa uu intaa hadalkiisa ku darey in ay jireen wadahadallo aan si dhab ah loo galin kuwaas oo dhamaan guul dareystey, wuxuu eedeymi usoo jeediyey Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cabdulqaadir Caraale oo uu ku sheegay shakhsi ku qaraabta mashruuc dib u heshiisiineed.

Iyadoo Wiilasha Beesha Biimaal ay ku dagaalmayaan sidii ay difaacan lahaayeen guryahooda iyo maalkooda ayaa siyaasiyiinta iyo kuwa xilka ku helay dhiiga shuhadada dagaalka ku jirta waxay afkooda ka sheegi la’yihiin in ay cadeeyaan sababta dagaalka uu u socdo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE