Horjoogihii Mooryaanta Iyo Alshabaab Ee Hogaaminaayey Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Magaalada Marka Oo La Dilay Iyo Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Dagaalka Ku Saabsan

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa ku waramaya in dagaalka magaalada Marka weli ka socda uu ku geeriyoodey horjoogihii maanta hogaamianayey dagaalkii lagu soo qaady saldhigyada Ciidamada maamulka degmada Marka.

Hogaamiye kooxeed Xasan Khaliif oo Ciidamo uu wato dagaal xoogan saakey ay kusoo qaadeen Dooxa Xaafadda Beyturaas ayaa wararku waxay sheegayaan in uu Geeriyoodey, isaga iyo shan kale oo la socotey, iyadoo ay jiraan dhimasho intaasi ka badan oo Mooryaanta soo gaaray.

Jabka Mooryaanta kasoo gaaray weerarka Xasan Khaliif uu higaaminayey ayaa sababay in Ciidamada Maamulka Marka ay baacsadaan haraadiga kooxaha lasoo qaldey, waxaana ay ay gaareen kuwii ugu dambeeyey ee naftooda badbaadsadey Xaafadda Buulabacaad oo ka baxsan magaalada Marka.

Hogaamiyahan oo si weyn looga yaqaano magaalada Marka ayaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafey ka dagaalamay gudaha Gobolka Shabeelada hoose, waxaana markii ugu horeysay uu ku yimid isagoo ka tirsanaa Guuto Seddaxaad, waxaana markii dambe uu ku biirey Maleeshiyada Alshabaab.

Dadka yaqaana hogaamiyaha ayaa sheegay inuu ahaa shakhsi kibir iyo isla weyni xambaarsanaa waxaana saake uu kusoo goodiyey markii uu soo galaayey dagaalka in uu qabsan doono ilaa xaafadda Ayuub, waxaana taas Alla mahadiis la qaadey Meydkiisa oo ay ku yaalaan Xabado  uu tuurey Moojaahid nafsadiida dhul dhigay xoreyta Deegaankiisa.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE