Howlgal Culus Oo Lagu Xaqiijinayo Amaanka Oo Ka Dhacey Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland ay Maanta wadaan howl gallo baaritaan, kaasoo ka dambeeyay weerar bambaano oo xalay ka dhacay magaalada.

Qarax bambaano ayaa xalay lagu weeraray Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, iyadoo la sheegay in qaraxan aanu wax khasaare ah geysan.

Saraakiisha Amniga Boosaaso ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan kooxihii xalay ka dambeeyay qaraxa, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono, si sharciga loo soo taago.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkii u dambeeyay faraha ka sii baxayay, waxaana bilihii la soo dhaafay lagu dilay saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

Maxkamada Gobolka Bari ayaa dhowaan dil toogasho ku xukuntay illaa 7 dhalinyaro lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaalada Boosaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE