Dhageyso Faallo Soomaaliya Masoo Ceshaneysaa Samaheedii Sanado Ka Hor Suul Daarmay

Dhibaatada iyo kacaakufka  uu marayo dalka soomaaliya waxaa uu yimid ka dib markii Aan anagu isku kadeedanay.Kolba koox ayaa kaalin kaqaadanaysa  ka qaadida  kadeedka  hareeyay hormarka  Soomaaliya dunidana  ka dib dhigay.

Kooxda dadaalka waday arintooda marna manoqonin  mid  kobciya kana qaada  dalka dadkiisa kadeedka lakacaa kufaya.

Koox soomaali ah  ayaa soo kuus kuustay mid la is lahaa  waa kan kaalin ka qaadan kara kobaca  kala fur furida  ka deedka  ka taagan soomaaliya.

Xunsul duubkaas marna ma dib dhicin hadba dhan ayaa loo rog rogayay qaabkii soomaaliya sara loogu qaadi lahaa.

Geediga kolba Gashiin ayuu galayay sida Eel dored iyo  carta halkaas ayaa ahaa  jidka  sanado safarka sal dhigiisa uu ahaa waxaan ula jeedaa Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan,Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif sheikh axmed oo intuba   lagu soo doortay  goobaha Aan ka soo hadlay.

Burburkii ka dhacay  Soomaaliya waxaa uu dhaawacay sumcadii soomaaliya  dunida ay ku lahayd. Waana mida keentay  in talada  dalka  dad Aan diin iyo dalba aanan wadaagin kolba ay jahwareeriyaan siyaasada soomaaliya.

Jaaliyal walba jid ayay inoo jeexeen siloogu jalbado ama loojaclaado jidka ay inoo tusiyeen in ay noo xaar xaareen laakiin nooma xaar xaarine way naxanuujiyeen jaaliyaal.

Jah wareer iyo juk juk uyuu noqday jidkoodii  jaaliyaashii jidka noo jeexay misana qaarkood waaba soomaali kuwas.

Jah wareeriyaasha Ajanabiga ah waaba ka xagjiraan Jaaliyaasha soomaalida ah.

Safar dheer dabadeed Soomaaliya Samaheedii masafarka ayuu ku saqiiray mise waa uu suuxay waa su,aal jawaab ubaahan.

Ukala sarifid kala soocid sanado badan  soomaaliya surankii laga sugaayay  ayay sikano ujirsatay

Sanadii 2012  waxaa Muqdisho  lagu doortay  Xasan Sheekh maxamuud oo bedalay Shariif sheikh axmed si sharaf leh ayuu uwareejiyay xilka shariif markii laga guuleystay.

Waa markii ugu horeysay  burburkii ka dib qaabkan soomaaliya ay wax ugu dhacaan markii loo eego marxalada soomaaliya ay mareyso.

Afar sano ka dib  8 dii bishaan fabaraayo sanada 2017  waxaa la doortay Maxamed Cabdulaahi Maxamed farmaajo  waxaana uu ka guuleystay xasan sheikh maxamuud oo xilkaas afarsano soo hayay.

Inta ku abtirsata qoomiyada soomaalida ayaana kalgaceel loogu muujiyay guusha farmaajo.

Xasan sheikh maxamuud si wanaag uu ku jiro ayuu xilka uu ku wareejiyay waa marxaladii labaad oo loo riyaaqay  8 sanadood gudahood 3 madaxweyne si lab furnaan ah xilka iskuuga wareejiyay soomaaliya gudaheeda.

Samaha soomaaliya masaqiirin ee wuusuuxsanaa  hada wuu soo sarakacya sikano ayaa ka dhiman sarakaciisa ee  ha sugi waayin

Silac iyo saxariir safar dheer ka dib soomaaliya hada waxay umuuqataa in ay soo ceshaneyso  samaheedii sanado kahor suuldaarmay hadii sikale wax noqonin

Soomaaliya hanoolaato allaa weyn ininkii aaminaa awoodleh

Waxaa diyaariyay Weriye Faarax ibraahim yacquub

Gumeysidiid5@gmail.com

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE